Mo Farah oo Ku Guuleystey Billadda Dahabka ee Orodka 10,000m.ee Barcelona

Mohamed Farah oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Jamuuriyada Dumuqraadigaa ee Soomaaliland isla markaana haysta dhalashada dalka Britian ayaa helay billadda dahabka ah ee orodka dheer 10,000m ee cayaaraha fudud ee horyaalka wadamada Qaarada Yurub ee lagu qabtey magaalada Barcelona ee dalka Spian Maxamed Farax ayaa in badan ku taamayey in uu ku guulaysto Biladan Dahabkaa waxaanu gaadhay manta.
Mohamed Farah oo wax laga waydiiyey kadib guushii uu gaadhay ayaa kujawabay aad baan u farax sanahay si aanan malaynayn in aan gaadho mar kaliya kaalin tan oo aan ku hantay Bilada dahabkaa.
Dhanka kale mar wax laga waydiiyey waxa manta sababay guushiisa waxa uu ku jawaabay, waxa aan aad u sameeyey tareenino badan oo an tagay dalal kala duwan waxa aan la orday laacibiin fara badan markaa wan gaadhay guushii.
Isla markaana waxa uu yidhi wan siiwadi doona guusha kana hadhaayo inta aan noolahay oradka wanan wadayaa waxaanan doonayaa in an ciyaraha 2012ka ka dhacaya London ee Olonbikada caalamka aan guul ka gaadho.
Tanyaa waxa ay farxad u tahay dhamanba shacabka Somaliyeed ee k unool Wadanka Uk in ay mar kaliya arkaan wiil Somaliyeed oo guushaas oo kale gadho ,dhanka kale wadanka uk ayaa isna ad u soo dhaweeyey Guusha Mohamed Farah. Macalinka Mohamed Farah ayaa yidhi waa guul u soo hoyatay Britain oo dhan wanu mahad san yahay Mohamed Farah
Mow Farah ayey ku qaadatay in uu ordo 10,000m waqti gaadhaya 28 daqiiqo iy 24.99 ilbiriqsi.
Waa markii u horeysey ee dalka Boqortooyadu Britain ku guuleysto biladda dahabka ah ee orodka dheer 10.000m, waxaana guushaas u keenay wiilka asal ahaan ka soo jeeda dalka Soomaaliland ee 27 jirka ah Mo Farah oo ugu saxeexan wadanka Uk
Dhanka kale waxa ay u tahay higsi dheer jiilka dayarta Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan kuna daydaan Maxamed Farax halka uu gaadhay maanta anigoo ah Suleiman ayaa aad ugu farxay waxanan ka daawanayey shashada Oradada ama TV oo uu ahaa sitoosa uga maxaayey Maxamed farax .
Suleiman Saeed Kabadhe