Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted
Koobka Somali Football Festival London 2010 ayaa si rasmi ah uga furmay  galabta Galbeedka magaalada London


Waxaa galabta oo ay taariikhdu tahay 26/07/2010 si rasmi ah uga furmay Garoonka Linford Christie koobka Somali Football Festival 2010 oo ay soo qaban qaabiyeen  qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Kubadda cagta dalka Soomaaliya.

Xaflad qurux badan oo si heer sare ah looga soo shaqeeyay  una xiriirinayay macalin John ayaa lagu daah furey koobkan furitaankiisa oo ay ka soo qayb galeen dadweyne aad u badan, islamarkaana waxaa qudbado qiiro badan oo isugu jirey taageero ,istusaaleyn iyo waanoba leh ay ka jeediyeen  mid mid odayaasha isboortiga Soomaaliyeed ee  ku dhaqan magaalada London sida C/qaadir Isoomareey, Qareen Ahmed Diriye, Ahmed Shell iyo Danjire Caalin, waxayna odayaasha kula dardaarmeen ururka soo qaban qaabiyay cayaarahaan in loo baahan yahay in laga shaqeeyo midnimada bahda isboortiga  Soomaaliyeed.

Markaas kadib waxaa iyana meesha ka hadlay fanaaniinta caanka ah Maryan Ali Muudey iyo Omar Shooli, kuwasoo heeso qiiro badan oo dadkana dhan ay ku maqsuudeen  ka jeediyay, halka Ahmed Abdalla  Tigaana  tix gabay ah oo lagu cabiraayo qaabkii Isboortiga hore iyo kan maanta socda ka sheegay goobta.

Macalin Shiine Guhaad iyo Mudane Kamil Olympic oo ahaa dadkii inta badan ka caawiyay xaga dhaqaalaha tartanka qabashadiisa ayaa iyagana ka jeediyay hadalo koo kooban oo ay ku sheegayaan sida ay ugu faraxsan yihiin inay gacansiiyaan ururka ciyaartooydii hore (SSAUK).

Nin ka socday golaha deegaanka Ealing   Steve Flynn  ayaa ka hadlay goobta sheegay taageerada u hayaan koobkan, islamarkaana ku kaftamay in koobkaan ka wanaagsan yahay koobka Aduunka madaama koox African ah qaadayso koobka Somali Festival Football 2010

Ugu dambayntii   ciyaaryahanka caanka ah  Muriidi Abati Abanur oo ku hadlayay magaca ciyaartooydii hore  ayaa hadalo kooban ka jeediyay  halka ciyaaryahanka rug cadaaga ah Shaacir Shiiqoow uu ka dhawaajiyay in ururkaan loo dhisay sidii ciyaartooydii hore, garsoorayaashii hore la isugu xiri lahaa iskuna ogaan lahaayeen gudaha iyo dibadaba, waxaan doonaynaa inaan dib boorka uga jafno

howshii qabyada ahayd iyo dib u soo nooleyntii kooxihii hore ee aan dhamaanteen magaca ku soo yeelanay oo aan u dheeli jirnay ee uu nooga tagay Wasiir Saleebaan Colaad Allaha u naxariistee inaan wax ka qabano markaan howlaha aan inta ka wadno ku guulaysano insha Allah,  cid aan duulaan ku nahay ma jirto iyo tartan aan cid kula jirno balse waxaan doonaynaa dhamaanteen inaan wax u qabano ciyaartooydii hore iyo isboortiga guud ahaan ayuu yiri hadalkiisa ku soo gabagabeeyay mudane Shaacir Shiiqow oo run ahaantii sacab fara badan u dhacayay marka uu hadlayay oo dhan.

Gudoomiyaha ururka SSAUK Mudane Shidane oo ka mid ahaan jirey ciyaartooydii hore ee Kubadda cagta naadiga Horseed Cawa iyo maalin ayaa ka warbixiyay dhismaha ururkooda iyo ciyaaraha ay ka bilaabeen maanta magaalada London, kadibna sheegay in ciyaaraha Somali Football Festival London 2010 ay furan yihiin.

 

Ciyaartii ugu horeysayna waxaa isaga hor yimid kooxaha kale ah HSF UNITED & WEMBLEY UNITED, inta aysan bilaabanin ciyaarta waxaa si rasmi ah kubada  isku dhiib dhiibay qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii hore kooxaha Soomaaliya, kuwaasoo garoomada soo galay waqtiyo kale duwan, kadibna dhamaan ciyaartooydii hore wiilal iyo gabdho kubadda cagta iyo kubadda koleyga, maamulayaashii, garsoorayaashii hore ayaa mid mid u gacan qaaday ciyaartooyda labada naadi ee galabta dheelayay.

HSF United Vs Wmbley United ayaa fooda isku darey garoonka Linford Christie ciyaar qurux badan oo isku miisaman ayay soo bandhigeen labada kooxood, ciyaarta qaybteedii hore waxaa labo goal dhaliyay kooxda Wembley United, laakinse qaybtii labaad ciyaarta ayay kooxda HSF UNITED iska soo gudeen goalashii lagu lahaa, inkastoo kooxda Wembley United ay iska lumiyeen fursad qaali ahayd balse labada naadi waxay soo bandhigeen ciyaar isku dheeli tiran, ciyaartiina waxay ku dhamaatey 2 iyo 2 goal barbar dhac.

Kooxda Wembley United waxaa macalin ah macalin Cabdiraxiim oo ka mid ah ciyaartooydii hore ee kooxda Madbacada Qaranka, halka gudiga farsamada ay maamulayeen garsoore Kaytoon iyo  garsoore Mohamed Ali.

Jawiga garoonka waxaa u ahaa mid camiran oo ay si weyn uga soo dhaxmuuqdeen ciyaartooydii hore dalka Soomaaliya noocyadiisa kale duwan hadii ay ahaan lahayd Kubadda cagta, Koleyga, Tenniska, oradka iyo garsoorayaal, maamulayaal iyo madaxdii Isboortiga, marka aad soo gasho garoonka waxaa labada dhinac ka arkeysaa calanka dalka Soomaaliya iyo kan wadanka England oo ka lulanaya biro loogu talagaley, dadka meesha iskugu yimid waxay 99% ahaayeen dad isboortiga noocyadiisa kale duwan si fiican u yaqaan hadii ay ahaan lahayd ciyaartooynimo iyo maamulba.

Intii aan joogay meesha oo aan daawanayay sida ay wax u socdaan mar walbo waxaan qalbigayga ku soo dhacayay xusuus inaa maanta joogno magaalada Muqdisho iyo garoonkii weynaa Muqdisho.

Waxaan qabaa Isboortiga hadii laga saaro cudurka la soo dhax galiyay inuu Soomaali oo dhan mideyn karo iskuna keeni karo.

Saxaafada Isboortiga ayaa si weyn isha ugu haysa cayaaraha ka furmay garoonka Linford Christie, wixii idin balan qaadaynaa inaan idin soo bandhigno wararka cayaarahaan insha Allah.

Download SDC14165.JPG
 
Download SDC14162.JPG
 
Download SDC14158.JPG
 
Download SDC14156.JPG

W/D:YUSUF YUSUF

Sports writer and editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

 

 

 

posted by Abdiraxman Mahamed

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions