Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

CiyaarihiiXagaaga Kubadda Cagta Sweden oo la soo gebagebeeyay (DAAWO SAWIRRO)

image

 

   
   


Kooxda Qaran ee Koobka SEUKI ku guuleysatay


Waxaa maanta si rasmi ah ugu soo dhamaaday garoonka Spanga ee Magaalada Stockholm ciyaarihii Kubadda Cagta Xagaaga ee dalka Sweden, kaasi oo soo socday tan iyo 12-kii bishii April 2010.

 

Tartankan ayaa waxaa ka qeybgalay 12 kooxood, kuwaasi oo ka kala socday Dalalka Britain, Sweden, Denmark, Norway iyo Australia, waxaana ku guuleysatay Kooxda Qaran oo ka dhisan Magaalada Stockholm.

Ciyaartii gunaanadka ayaa waxaa isugu soo haray Gotenborg iyo Qaran, waxaa 5-0 ku badisay Kooxda Qaran oo ah Koox ka dhisan Magaalada Stockholm. Kooxda kaalinta labaad gashay ayaa waxaa ku ciyaareysay magaca  Gotenborg.

Tan iyo intii uu socday tartankan waxaa garoonka galab walba soo camirayay dadweyne aad u faro badan oo ka kala yimid Magaalooyinka kala duwan ee Sweden iyo Wadamada la deriska ah Denmark, Norway iyo Finland.


Xaflad koobkii SEUKI 2010 lagu bixiyay oo lagu qabtay gudaha Garoonka Spanga ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin Isboorti iyo Madax ka socotay Axzaab siyaasadeed oo dalkan ka dhisan, kuwaasi oo furitaankii ilaa dhamaadkii ciyaarahan goob-joog u soo ahaa;

Waxaa xusid mudneyd in ay dhinaca qadka taleefoonka uga soo qeybgashay xafladda Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye oo si weyn u bogaadisay Dhaqdhaqaaqyada Isboorti ee uu Ururka SEUKI ka wado Yurub, gaar ahaan Dalka Sweden. Sidoo kalena, waxay hambalyo u dirtay Guddoomiyaha SEUKI ninka lagu magacaabo Xiirey Axmed Rooble oo dhawaan ka mid noqday Xubnaha Guddiga Fulinta ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Gunaanadkii xafladda ka waxaa ka hadlay Guddoomiyaha SEUKI 2010 Xiirey Axmed Axmed Rooble, wuxuuna ugu horreyn u mahadceliyay Xubnaha SEUKI ee ciyaaraha la soo waday, si gaar ahna wuxuu ugu mahad-naqay dadka Sweden, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Stockholm ee ciyaaraha la martigeliyay.


Wuxuu ballanqaaday in Magaalada Stockholm ay weligeed guntiga dhiisha isaga dhigi jirtay sidii ay u martigelin lahayd ciyaaraha Xagaaga ee uu Sanad walba walba qabto Ururka SEUKI.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Tartankan waxaa kooxihii aan kaalimaha koowaad ku soo bixin ay heleen abaal-marinno uu ku sharfay Ururka SEUKI. Wuxuuna tartanka sanadkan ku soo dhamaaday jawi aad u macaan.









 


  By Salaad Iidow Xasan (Xiis)
 
 
 
 
 


 

posted by Abdiraxman Mahamed

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions