Feedhyahanki Hore ee Mike Tyson oo Gaadhay Sacuu Carabia sido uu Soo Cimraysto Cimrada

Feedhiyahankii hore ee caan ka ahaa Mike Tyson ayaa soo gaadhay shalay Jimcihii Boqortooyada Sucuudiga si uu u guto Cumrada Mike Tyson waxa uu ka soo dagay magaalada Medina ee barkaysan waxaan halkaasi ku soo dhaweeyey gudoomiyaha Islamic University (Jamcal Al Islamiya) ee magaalada Madina Dr.Muhammad Al-Oqala.
Mike waxa uu halkasi ugu sii gudbi doonaa magaalada barakaysan ee Makka si uu halkaasi ugu Cimraysto Cimarada kadibna wax uu buuqan doonaa magaalooyin badan oo ka mid wadanka Boqortooyada Sucuudiga.
Cumarada uu Mike ku yimid Makka ayaa waxaa soo qaban qaabisay Hay’ad diineed oo jaalida islamka ee wadanka Canada ay leeyihiih oo lagu maga caabo Canadian Dawa Association taasi oo ay hay’adu ku doonayso in ay ku keento meelaha islaamka ee barakaysan dadka caanka ah ee soogala diinta islamka.
Mike oo ah feedhiyan guulo badan ka soo hooyey tartano badan oo xaga feedhka ah ayaa qaatay diinta Islam isaga oo jeel ku jira sanadkii 1990kii islamarkaana go’aan ku gaadhay in uu joojiyo feedhka.
Buraoonline.com