Kooxda Al – Hijra oo nusdarsadn goolal ah ku marti qaaday kooxda Bristol iyo W. Qaraabo iyo Sukao oo barbaro kukala baxay.
Waxaa maanta la ciyaaray maalintii labaad ee kulamada ciyaaraha Eurosom, iyadoo ciyaartii ugu horeysay ay fooda is dareen kooxaha Bristol oo ka socotay dalka UK iyo sidoo kale kooxda ay isku dalka ka wada yimaadeen ee Al – Hijra.
Ciyaarta biloowgeeda ilaa dhamaadka ciyaarta ayaa waxaa ku gacan sareeyey kooxda Al-hijra oo ah kooxda xafidanaysa Horyaalka EUROSOM waxayna ku badisay 6 – gool iyo 0 waxaana goolasha kala dhaliyey ciyaaryahanada kala ah:
Xasan Maxamuud oo dhaliyey 2 gool, iyo Xasan Maxamed oo isna dhaliyey laba gool halka Onge Allsouise iyo Abdullahi Saciid ay min hal gool dhaliyeen.
Ciyaartii labaad ayaa waxaa iyagana iska hor yimi kooxaha W – Qaraabo oo ka socotay dalka Denmark iyo Sukao Norway ciyaartan oo ay labada koox soo bandhigeen ciyaar aad loo jecleysto ayaa iyaga aad moodaysay inaay ku heshiiyeen inaay barbaro ku dhamaato.
Qeybtii danbe ee ciyaarta markii la isu soo laabtay labada kooxood waxay iska qasaariyeen fursado goolal lagu filan karay inkastoo goolhayaha kooxda Sukao uu badbaadiyey dhowr fursadood oo goolal ay ku dhalin kareen kooxda Walaalo.
Guntii iyo gabagabadii ayaa ciyaarta kusoo idlaatay 0 – 0, iyadoo maalinta beri ah ay wada ciyaari doonaan kooxda Swesom – Borlänge oo dalka Sweden ka tirsan iyo kooxda Gothenburg oo isla Sweden ah waxaana ciyaarta ay bilaaban doontaa 18:30.
Maxamed Cabdulle Xasan ”Siidii”
soomaalidamaanta@live.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
Helsinki – Finland
.JPG)
GUDOOMIYE KUXIGEENKA EUROSOM SHUJAAC
.JPG)
KOOXDA SUKAO EE DALKA NORWAY
.JPG)
.JPG)
.JPG)
MIDIG CABDULQAADIR XOOG WEYNE
.JPG)
.JPG)
KOOXDA ALHIJRA OO KU BADISAY 6 GOOL IYO WAXBA
.JPG)
KOOXDA BRISTOL OO LIX GOOL IYO EBER LOOGA BADIYEY
.JPG)
BOOLIISKA DALKA FINLAND

KOOXDA WALAALO. Q