Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Kooxda  wadaniga  ee Qeylodhaan ayaa soo saartey markale hees cusub  oo lagu weyneynayay habenkii 50 guuradii  Calanka Soomaaliya oo ku beegnayd 1 July 2010, heestaan  cajiibka ah waxaa miraheeda sameeyay sida uu ii sheegay abwaan Cabdi Shire Jaamac ‘’ Ciyaar jecel’’ Gabar Soomaaliyeed oo degan magaalada London lana yiraahdo  Ruqiyo .H. Maxamed.

Waxaa heesta sida wadajir  ah u qaadaya fanaaniinta kooxda Qeylodhaan, sida   Cali Xasan Warsame, Jooqle Shire Jaamac , Xuseen Shire Jaamac ‘’Ciyaar jecel’’  iyo Shamso Mohamed Foot,islamarkaana waxaa Laxanka saarey fanaan laxamiiste Jooqle Shire Jaamac, Musikada waxaa u tumey  musikiiste  Maxamuud Maxamed Karaama.

Heeska 50 guuraddii Calanka oo aan hubo inaad ka wada heli doontaan markaad dhagahiina  ku maqashaan indhahiinana ku daawataan ayaa ku bilaabaneysa  erayadaan: ‘’Calankii sareeyey, rabigeen na siiyay, lixdenkii la saarey’’.

Kooxda Qeylodhaan waxaa sharaf u ah inaad ka gudoontaan heestan cusub  Soomaaliyeey meel kasto aad ka joogtaan  dunida, balse waxaa waajib ah inaad dhab u qaadataan fariinta muga weyn ay heestan xambaarsan tahey hadii Eebe idmo.

Soomaaliya Hanoolaato,  Dalka Soomaaliya Soomaali baa leh, Guuleysta.

HEESTA HALKAN KA DAAWO: http://www.youtube.com/watch?v=df5UXO8Tmno

 

W/D: Yusuf  Yusuf

mrsomalia

London

 

 

 

posted by Abdiraxman Mahamed

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions