Kynan Oo Noloshiisa Qof Ahaaneed Wax Laga Sheegay Oo Dalbaday Raali Gelin
Warbixn lagu daabcay wargayska the Times ee kasoo baxa Johannesburg waxa si aada uga xanaaqay heesaga soomaaliyeed Keynaan, waxana qofka jariiradu soo xigatay uu ku tilmaamtey Kynan nin “Qalafsan” taasi oo Keynaan haatan ka dalabanayo raaligalin.
Jariidada oo soo xiganaysa qof aysan magaciisa sheegin balse ka tirsan bahda heesaaga la socota ayaa sheegtey in Keeynaan uu yahay nin qalafsan oo xitaa diida in sawiro lala galo, mid ka mid ah eedeymaha loo jeediyey heesaaga ayaa waxaa ka mid ah in uu diidey in uu bandhig ka sameeyo tuulada Alexandra ee Johannesburg sababtuna ay tahay meel halis ah, qofka lasoo xigtey ayaa yiri “Ninka sidaasi dhahana waa nin Muqdisho ku dhashay”
Waxay jariidada ku doodey in shir jaraa’id oo uu dhawaan Durban ku qabtey uu kaliya ogolaaday in uu ka jawaabo 6 weeydiimood oo kaliya, halka shir kale oo uu warbaahinta u qaban lahaa uusanba soo xaadirin, qofka aanan magaciisa la sheegin ee lasoo xigtey ayaa sheegey in Keynaan uu yiri “waxaan jeclaan lahaa in qandaraaska Coca-Cola aan halkan ku joojiyo oo aan gurigeykii ku laabto” .
Laakiin Keynaan Cabdi Warsame oo wax ku qorayay bogiisa Twitter ayaa yiri “Hadda ayaan aqriyey qormo kusoo baxday The Times, qormo gabi ahaanba lagu soo bandhigey aragti qof aanan magaciisa la sheegin, waa nasiib darro in wargeys ka mid ah kuwa Koobfur Afrika ugu waaweyn uu daabaco kutikuteen dadka sheegey aysan wax tayo ah lahayn”.
“Haddii jariidada Times ee Johannesburg ay leedahay wax tayo saxaafadeed, waxay u baahanyihiin in ay ka noqdaan, raaligalina ka bixiyaan “ ayuu yiri Keynaan Cabdi Warsame.
Keynaan ayaa heestii furitaanka ka qaaday koobka kubbada cagta aduunka, iyadoo heestiisa ay ka daarantahay dariiq kasta oo Koonfur Afrika ah, halka xayaysiinta Coca-Cola ee qalabka warbaahinta ka baxda ay dhamaanteed ku baxdo heestiisa, illaa iyo 85 wadan ayuu bandhigyo ka sameeyey, laakiin wali Soomaalida Koonfur Afrika fursad uma aysan helin in ay la kulanto ninkani loo arko xidig caalami ah
Xigaasho
Berberanews.com