|
|
|
posted
|
Sawir Xusuus Xambaarsan Iyo 1983 Xulka Gobolka Sanaag
Teamkani, Muran li, waa teamkii ugu cajiibsanaa ee Tariikhda Gobolka Soomara. Ciyaaraha sanadkaa wareegiisii hore waxaa lagu qabtay magaalada Ceerigaabo, Runtiina lagama badin ciyaar kaliya. Ciyaartii furitaanka oo ahayd ciyaar aad u xiiso badnayd waxaa wada cayaaray Sanaag iyo waqooyi galbeed ama Hargeisa. Ciyaartasi waxay ku dhamaatay Sanaag 2 Hargeysa 2. labada gool waxaa kala dhaliyey Timacade Number 7 qaybtii hore ee ciyaarta, goolka labaadna , ala ha u naxaariisto Ciyaaryahankii Yusuf Warsame Xood. Ciyaartii labaadna waxay ku dhamaatay Sanaag 1 Togdheer 0. waxaana dhaliyey Siciid Cawad Caateeyo oo sitay Garanka 6aad. Ciyaartii sadexaadna Sanaag 6 Bari 0
Hadaba intaanan idin xasuusin weriigii labaad ee ciyaaraha sanadkaa oo lagu Qabtay Magaalada Muqdisho, aan isku dayo in aaan magacaabo ciyaaryahanda sawrikan ku jira kolay qaar garate qaarna waad is waydiinaysaan
Dusha
Mohamed Nuur caynaashe.: Alaah Yarxama. Dabcan geeridu waa xaq. Lakin waxaan la alaabayn Dabeecad wanagii Mohamed Nuur. Ciyaar wanaagiisii iyo sidii saxiibka ula ahaa yar iyo weyn ba. Mohamed nuur nin la cayaara ma soo marin goboka marka laga eegaayo xag kastaba. Wuxuu xidhan jiray garanka kasta.. marba dhinicii looga baahdo. Sanadkaa wuux sitay garanka 2aad. 1984kiina 6aad.
2. Cali Farax, Number 9 kii teamka. Cali wuxuu ahaa ninka teamka ugu dheereeya wuxuuna ahaa ciyaaryahankii dhaliyey goolkii sanaag kaga badisay goboka Hiiraan Weriigii labaad 3 Siciid Cawad Caateye”Furcoon” Number 6. Siciid wuxuu ka mid yahay rag lagu tilmaamo ciyaaryahanadii ugu wanaagsanaa ee Tariikhda gobolka soo mara. Siciid wuxuu dhaliyey goolkii burco lagaga badiyey iyo qaar kaleba : Siciid wuu ku noolyahay Ceerigaabo 4- Mohamud Cali Baqare. “Baadiye” Mohamud wuxuu ka cayaari jiray Difaaca wuxu ahaa nin dabecad wacan aadna loogu kalsoonyahay.Mohamud wuxuu ku noolyahay ceerigaabo. 5: Ilahay ha u naxriisto: Abdirizak Warsame IIdle. Fanaanada 10aad iyadaa macnaheeda wadata. Abdirizak wuxuu ahaa ciyaaryahan dhamaystiran. Orodka , Daadihinta kubada. Deeqsinimda xaga passka. Gobolka ma soo marin ciyaaryahan xidha garanka 10 oo u dhigma Abdirizak. Runtiina Waxaa lagu tilmaam ciyaaryahandii ugu wanaagsanaa ee gobolka soo mara 6: Abdi Abdulaahi “Dalab”. Ciyaaryahankii ugu da,da yaraa sanadkaa Number 11. Abdi wuxuu ahaa bidixle. Ay aad u adkayd in difaac joojiyo. Wuxuuna ahaa ciyaaryahankii 1984kii burco ku reebay garoonkooda .wuxuu ku noolyahay Ceerigaabo iyo Hargeisa 7. Timacade: Wuxuu ahaa ciyaaryahan ciyaara kubado badan sida kolayga iyo cagta. Wuxuu aha nin markuu doono Goalkeeper ah. Wuxaa ciyaaryahankii dhaliyey goalkii u horeeyey sanadkaa wuxuuna ka dhaliyey Hargeisa, Wuxuu ku noolyahay UK 8. Cismaan Daahir. Wuxuu ahaa ciyaaryahan ka ciyaara difaaca. Wuxuu ahaa nin ninkiisa raaca , ciyar wanaaag lagu yaqaan. Cismaan dahir ma hubo meeshuu hada ku sugan yahay. 9. Keyse Ismaciil. Wuxuu ahaa ciyaaryahankii sitay fanaanada 3aad. Keyse wuxuu aha libaax aan xagiisa laga soo dhicin. Keyse wuxuu ku noolyahay Hargeisa , ogaalkay Dhinaca Hoose bidix 10 Muse Salax Cismaan; Muse waa kabtankii Teamka guud ahaan intuu ciyaaraayey. Muse waxa uu xidhaa garanka 4aad. Waana difac yahandii igu ciyaarta wanaagsanaa uguna magaca dheeraa gobolka. Muse wxuu ku noolyahay Ceerigaabo 11 Jamac Xasan Cabdi. “Kildhi” Fanaanada 5aad. Jamac wuxuu ahaa ragii hogaanka u hayey difaca sanadkaa. Jamaca wuxuu ahaa nin degan oo ciyaar macaan. Jamac wuxuu ku noolyahay wadanka Holland 12. Abdale Axmed Abdi”Shoodhe Carabayto” Abdale waa Goaligii labaad ee Teamka. Abdale wuxuu ahaa nin shaqsiyad wanaagsan. Dhalinyaraduna aad u jeclaayen. Abdale ma hubo meesha uu hada joogo. 13. Yusuf Warsame Xood’ Alaah yarxama. Yusuf wuxuu ahaa Taalo. Yusuf wuxuu ahaa nin in doora ciyaaraayey. Nin dantii yaqaana. Marlabaad Yusuf wuxuu ahaa ninkii dhaliyey goalkii labaad dhamadkii ciyartii furitaanka. 14. Abdulaahi Xoogseef: Abdulahi wuxuu ahaa difaac; nin aan xagiisa laga soo dhicin.Abdulahii ma hubo mesha uu hada ku sugan yahay. 15. Abdulahi Mohamud Geedi. Halbowlihii teamka sanadkaa. Dadka inta cabdulahi taqaan ee daawatay ama la ciyaartay. Abdulahi wuxuu ahaa goaligii ugu wanaagsanaa wadankii la oran jiray Somaaliya. Sanadkaana Waxaa Qaadatay naadiga Waxaool ee Mogadisho. Markii danbe se waa iskaga yimi. Ma hubo meesha uu ku sugan yahay.
16 Suasha aad laywaydiiyo waxaa weeye ninkaa ku xiga Abdulaahi ee cimaamadan waa kuma. Waa mucjiso. Waxaa aad laysku weydiiyey sidii uu sawirka ku galay. Waxay u bahantahay maqaal gaara oo ninkaa iyo sheekadiisa ah. Ninkaasi ogaalkay wuxuu ku noolaa Magaalada Ceerigaabo. Bal isku daya inaad garataaan ?
17. Abdihakiim Mohamud Hassan. Waa ciyartoy weyn oo cana. Wuxuu sanadkaa lagu sharfay kantannimada Teamka wuxuuna ka cayaaraayey numberka 8aad. Abdihakiim markii danbe waxaa qaatay naadigii horyaalka somaaliyeed ee patrolka .
Waa laga yaabaa in aan wax khalday ee Rali ha layga ahaadoWaa wakhti hore. Runtiina xasuustayda ma wanaagsana. Lakin waxaa I caawiey. Waa teamkii aan yarantaydii dawan jiray oo marna aanan alaabin. Waxa aaanan ka jawaabi Karin raga inta weli kubad laada. Waxaan la kulmay kabtankii Teamkii hiraan Sanadkaa oo ah AWoowe. Welina Team u ciyaara oo 20 jir sidiisii u ordaaya. Magaciisa waxaa la yiraahdaa Abdulqaadir Sulfa. Wuxuuna ku noolyahay Magaalada Seattle ee Cariga maraykanaka.
SANADKII LABAAD
Ciyaartii Furitaankna sanadkaa waxaa lagu furay Mogadisho iyo sanaag. ciyaartaasi waxay ahayd ciyaar aaad u macaanayd. waxaana sanaag ku hogaaminaysay 1 iyo 0 ilaa iyo dabayaaqadii ciyaarta. goolkaa waxan filayaa waxaa dhaliyey Abdixakim mohamud. waxay banaadir dhashatay goolka almost daqiiqadii 89. waxayna ku dhamaatay sanaag 1 Banaadir 1 Ciyaartii labaad waxay sanaag la cayaartay Hiraan waxayna ku dhaatay 1 sanaag and Hiiraan 0 Goolkaana waxaa dhaliyey Cali farax cunaaye.
Ciyartii u danbeysay waxay sanaag la cayaartay Jubada hoose Kismaanyo waxayna ku dhamaatay Jubada hoose 2 sanaag 0 ciyaartaasi waa ta kaliya ee laga badiyey. runtii roob baa daayey arimo badan baa loo eedeeyaa ciyaarta.
si kasta u dhigoo Teamkan markaan waraystay teamamkii iga danbeeyey ee somaliland qaaday sanadihii u danbeeyey, Weli waxaan u aragnaa inuu yahay teamkii ugu wanaagsanaa xag ciyaar iyo guuloba ee gobolka soo mara intaa aan maqalay iyo inta aan u soo taagnaa.
Isku soo wada duuboo taariikhdan ayaa inoo iftiiminaysa mudo haatan laga joogo 30 Sanadood in Sportskii Gobolka Sanaag wax badani aanay ku kordhin, waxaana maanta laga rabaa cidkastoo ku abtirsata Ciyaaryahanka Gobolka inay u istaagaan Wax la qabashada da' yarta badaha isugu tuuraya Mustaqbal la' aanta iyo Balwadaha ku faafaya Geyiga, iyadoo dhowaanahan ayba jirtay qaylo dhaan ka soo yeedhaysay in Gegidii Ciyaaraha Roobabku khasaare gaadhsiiyeen.
Waa Qalinkii Abrizak Doodi sdodi1@hotmail.com
|
|
posted by Abdiraxman Mahamed
Printable version
Email this to a friend
|
|
|
|
Ogeysiin
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|
|