XAFLAD AY XAWAALADA DAHABSHIIL U QABTAY LABADII KOOXOOD EE GALAY KAALINTA 1AAD IYO 2AAD EE TARTANKII 18 MAY OSLO.SAWIRO
Caawa waxaa Karaama Restaurant ee magaalada Oslo ka dhacay xaflad casho sharaf ahayd taas oo loo qabtay laba kooxood oo ka mid ah kooxaha Somalida ah ee ka cayaara Dalka Norway ahaana kuwii ku guulaysatay darajada koowaad iyo ta labaad ee 18 may cup kaas oo loo dhigay 16 kooxood oo ka mid ahaa kooxada ka cayaara magaalooyinka dalka Norway .
Xafladan loo qabtay Labada kooxood oo kala ahaa Dahabshiil iyo Ilays kuwaas oo Kooxda ku cayaarta Dahabshiil ay ku guulaysatay hanashada 18 may cup in Oslo halka Ilaysna ay gashay kalinta labaad.
Ugu horayn waxaa xafladan ka jeeday aayado quraan ah iyo wacdi iyo ereyo dar daaran ah Cabdi raxmaan Saalax Lisaaye oo isagu hor kacaayey tobobarena u ahaa kooxaha ku hirdama kobada cagta ee ka dhacay magaalda Oslo ayaa waxa Aayado quraan ah ka dib dhalinyaradii cayaartoyga ahayd u soo jeediyey sadex qodob
1-Alla ka cabsi ku waajibay ruux wal oo muslin ah.
2- Balwada oo ay iska ilaaliyaan taas oo uu u tilmaamay in ay tusaale ka dhigan karaan dhalinayaro la mid ah oo maanta mustaqbalkoodii uu lumay kuwaas oo balwadi dishootay , waxaanuu ku dardaaray in ay balwada iska ilaaliyaan taas oo u daran caafimaad ahaan .
3.Qodobka Sadexaad ee uu kala hadlay ayaa ahaa in inta ay da’yar yihiin ay wax bartaan taas oo uu sharaax uga bixiyey hadii aanay hadeer wax baran ay mar dhaw ku adkaan doonto noloshu oo shaqadiinuna ku damabayn doonto waashaamaan iyo stor haye, iyo dhulmaydhe, ugu dambayntii hadal dheer oo waano ah damabadii waxa uu ku soo gabagabeeyey in dhalinyaradu dadka waaweyn ee Somalida ah aanay ka qaadan waxa Negative ka sida qabyaalada iyo gobolaysiga se ay nagaga daydaan waxa wanaagsan iyo dhaqanka fiican ee aynu leenahay oo wixii idin anfacaaya aad ka qadataan .
Sidoo kale waxaa isna goobtaas ka hadlay Cabdi Yuusuf oo ka mid ahaa xubnihii dahabshiil waxaanuu ka daba maray qodobadaa uu soo sheegay Cabdirahmaan taas oo uu dhalinta ku adkeeyey in ay gutiga dhiisha isakaga dhigaan oo ay wax bartaan , waxaanuu goobtii uga cadeeyey ninka shaqada ugu wanaagsan haystaa iyo ninka ardayga ah ee Part time shaqaytaa ay isku mid yihiin oo aanay wax is dheerayn xaga dhaqaalaha , sidaa awgeed waxa uu aad ugu dardaaray in ay ka faaidaystaan waqtiga.
Waxaa isna goobtaas ka hadlay hadlay Axmed Cawel oo isna ka mid ah odayaasha Dahabshiil waxaanuu ugu horay u hambalyeeyey dhalinyaradan waxaanuu goobta ka sheegay in ay ka Dahabshiil ahaan uu balan qaday markii uu socday Koobkii 18 May in labada kooxood ee u soo baxa Final ka ay xaflad casho sharaf ah u samayn doonaan waxaanuu tilmaamay in ay noqotay tan ay caawa isugu yimaadeen.Sidoo kale waxa uu goobtaa ka sheegay in uu ahaa ruuxii yidhi koobkii kowda July hala qabto maalintaas oo aad u qima badan awgeed ayaan noqday ruuxa ugu horeeya ee ku baaqay in la abaabulo koobkaas ayuu yidhi.
Axmed Waxa uu goobtaas ka jeediyey hadalo diiri galin iyo waano ah taas oo uu dhalinyarada tusaale ugu bixiyey qiimaynta la qiimaynaayo iyo kuwa la mid ah ee meelaha gidarada ah la taag taagan oo bahasha iibinaaya, waxa uu u sheegay marka ay is barbardhigaan labadaa arin in ay jawabti tahay in qiimo ay leeyihiin dhalinyartan taas oo uu ka dhawaajiyey in bulashada ay ka dhasheen iyo bulshada kale ee caalamkuba ay tixgalin iyo sharab ka mudan yihiin, ugu gambayti waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey in ay iyagu xayndaabkii ay ku jiraan se in ay dhalinayarada ka baxsan xayndabka aad soo jiitaan ama jiilka soo kacaya aad gacanta ku dhigaan .
Ugu damabaytii waxaa isna xoogaa warbixin ah iga siiyey kooxahan ciyaartooyga ah Sacad Yusuf Xaashi oo ka mid ah dhaliyarta cayaartooyga ah waxaanuu ii sheegay in xafladan ay dhacdo sanad walba marka ay dhamaato tartanku waxaanuu tilmamay in hadba cayaartoyga kooxda ka waaweyni ay maamusho kooxda kale ee ka yar yar, intaasna waxa uu raaciyey in ay dhawr tartan oo wadama Yurub ah ka qayb galeeen sida Holland , Sweden, Denmark, Finland iyo Uk , taas oo uu sheegay kooxdan oo ka kooban 20 cayaatooyey ay kharashaka dhoofka ama dhaqaalaha ku baxa safaradaas ay iyagu iska ururiyaan taas oo uu sheegay in dahabshiilna ay ka helaan kabniin sidoo kale waxa uu isna ii sheegay in kooxda uu kabtan u yahay Khadar Yuusuf Xaashi.Mar uu hadlaayey in ay wali heer Finel soo gaadheen intii ay la soo cayaarayeen kooxada ka baxada wadankan Norway gudihiisa waxa uu tibaaxay in ay sanadkii dhawayd ay lagaga badiyey Rigoore ama penalty .
Ugu dambayntii waxaa la isku raacay in sanadkan oo aan wali oolin qorshe safar ah oo ay dalka kaga baxayaan sidii sanadihii hore ay dib isug soo noqodaan oo ay iska xog waraytaan sidii ay u suurta gali lahayn in ay helaan Invitations .
FADLAN LINKS YADAN RIIX SI AAD U DAAWATO VIDEOS KII
1-http://www.youtube.com/watch?v=slb4RC0HRJs
2-http://www.youtube.com/watch?v=vnyXWA2ZcL8
3-http://www.youtube.com/watch?v=xewqxA3mG-M
4-http://www.youtube.com/my_videos
Xigasho
Warqabadka Togaherer
Hargaysa.