Koox ku Ciyaaraysa magaca Somaliland oo ka qayb galaysa tartan kubadda cagta ah oo Sanca ka socda
Koox kubadda cagta ah oo ku ciyaaraysa magaca Somaliland oo ay soo abaabuleen xafiiska Somaliland ee magaalada Sanca ee dalka Yaman, ayaa ka mid noqday 16 kooxood oo tartan uga furmay magaalada Sanca.
Tartankan oo ay soo qaban qaabisay hay’adda la yidhahdo ADRA waxa uu ka socdaa garoonka "Sabciinka" ee magaalada Sanca.
Sida uu ku soo waramay suxufi madaxbannaan oo ku sugan Sanca Mr. Axmed Maxamuud Cilmi (Shawqi), waxa 16 ka kooxood ee ka qaybgalaya tartanka ka soo bixi doona 8 kooxood, iyada oo kooxda ku ciyaaraysa magaca Somaliland ay dirayska iyo qalabkaba ka heleen xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, iyaga oo kulankooda u horeeya yeelan doona Isniinta Berri.
Tababaraha kooxda Somaliland, Anwar Mustafe Saalax ayaa mahad naq ballaadhan u soo jeediyay xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, isaga oo sheegay inay taageero aad u balaadhan ka heleen.Sidoo kale Kabtanka kooxda Somaliland ee tartankan ka qayb galaysa Ibrahim Xaaji Suufi (Jaloori), ayaa sheegay inay haystaan ciyaar yahanno khibrad leh oo hore uga soo qayb galay tartano hore, sidoo kalana uu rajo wayn ku qabo firfircoonidooda uuna ku niyad sanyahay inay qaadi doonaan koobkan oo magac weyn u soo jiidi doonaan Somaliland.
Ku-xigeenka wakiilka Xafiiska Somaliland ee dalka Yemen, Maxamed Xirsi Gudaal (Maxamed Tamaam) ayaa rajo fiican ka muujiyay in kooxdan magaca Somaliland ku ciyaaraysaa guul wayn soo hoyn doonto, wuxuna ku booriyay inay karti iyo firfircooni la tagaan garoonka. Wuxu intaas ku daray in ciyaaruhu yihiin sida keliya ee dhalinyarada lagaga fogayn karo balwadaha iyo waqti lumiska.