Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted
CABDIKARIIM IBRAHIM CADDAAY OO HESHIIS HAL SANO AH LA SAXIIXDAY KOOXDA DHALINYARADA MANCHESTER CITY
image

CABDIKARIIM IBRAHIM CADDAAY OO HESHIIS HAL SANO AH LA SAXIIXDAY KOOXDA DHALINYARADA MANCHESTER CITY
London 03/03/2020. C/kariim Ibraahim Caddaay  ayaa heshiis hal sano ah la saxiixday kooxda Junior-ka Manchester City kadib markii ay ka heleen qaab ciyaareedkiisa, wiilkan Soomaaliyeed ayaa waxaa uu la dhashay ciyaaryahanka Cabdi Salaam Ibraahim Caddaay oo u dheela kooxda Manchester City islamarkaana waxaa dhalay garsoore C/qaadir Caddaay.
Cabdikariim waa 14 sano jir mustaqbal ku leh ciyaarta kubadda cagta degana magaalada Manchester inkastoo isaga , walaalkiis iyo qoyskooda ay ka soo guureen dalka Norway kadib markii walaalkiis C/salaam ay kooxda Man City ka soo gatey koox dalka Norway ah oo uu hore uga soo tirsanaan jirey.
Heshiiska ayaa ah mid hal sano socon doono kadibna waxaa lagu samayn doonaa cusboonaysiin islamarkaana waxaa uu C/kariim kaga sii gudbi doonaa Dugsiga tababarka kooxda Man City oo loo yaqaan Manchester City Academy sida uu iisheegay Garsoore C/qaadir Caddaay oo ah Aabaha C/salaam iyo C/kariim , kuwasoo haatan ka tirsan kooxda Man City.


Run ahaantii waa guul iyo farxad u soo hoyatey dhalinyarada Soomaaliyeed ee degan dalka Ingiriiiska iyo gaar ahaan magaalada Manchester dadaalka ay sameyeen reer Caddaay oo mudan mid looga daydo horumarka halka C/kariim  u hayo wadadii uu marey walaalkiis raadkeeda.
Mar aan saakay qadka telefoonka kula sheekaystey mudane C/qaadir Caddaay ayaan su’aalay sababta Soomaalida degan magaalada Manchester  dhalinyaradooda aysan uga faaidaysan qibrada iyo fursadatan oo kale ayaa ii sheegay inay jiraan dhalinyaro badan oo aad ugu fiican kubadda cagta oo meel ka gaari karo mustaqbalka laakinse cilada jirta waxay tahay waalidkooda oo aad moodo kuwa aan fursadahan inay ugu faaideeyaan caruurtooda aan diyaar u ahayn, tusaale halka ay ku taal Academy Manchester City waa xaafada Soomaalida degan magaalada intooda ugu badan ay degan yihiin laakinse waxaa mooda inay fadhi ku dirirka ay ka door bideen inay waqti badan galiyaan ubadkooda.


Aniga diyaar ayaan u ahay inaan gacansiiyo laakinse iyaga ayaa laga rabaa inay maalin walbo dabo socdaan caruurtooda oo kenaan markasto oo ay jirto tababar iyo ciyaar ayuu yiri Cabdulqaadir Caddaay oo ah aabaha dhalay C/salaam iyo C/kariim islamarkaana ah qabiir isboortiga si wanaagsan u yaqaan oo garsoore ka soo ahaan jirey dalkii Soomaaliya barisamaadkii.
Waalidiinta Soomaaliyeed ee degan Qurbaha waxaa muhiim ah inay ubadkooda waqtigooda intiisa badan galiyaan sidii caruurtooda mustaqbalkooda u wanaagsanaan lahaa insha Allah waayo hadii ubadka inta uu yaryahay loo dadaalo waxa u gaarayaa meel wanaagsan hadii ay ahaan lahayd waxbarashada, diinta iyo Isboortiga, waxaan u rajaynaynaa guul iyo horumar C/kariim Ibraahim Caddaay insha Allah.

W/D:YUSUF YUSUF
Sports editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London

cadaay1_766572806.jpg

cadaay2_541532023.jpg

cadaay3_882970396.jpg

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions