|
Tartan kubbadda kolleyga ah oo ay maalgelisay shirkadda Dahab-Shiil ayaa shalay si rasmi ah uga furmay garoonka Timacade ee magaalada Hargeysa.
Tartankan oo ay ka qayb galayaan 8 kooxood oo ka mid ah kooxaha heerka koowaad ee kubbadda Kolleyga ayaa munaasibadii furitaanka waxa ka soo qayb galay dhamaan kooxihii ka qayb galayay, dadweyne farabadan iyo masuuliyiin ka kala socday wasaaradda Ciyaaraha, Xidhiidhka kubbada Cagta iyo Shirkadda Dahab-Shiil.
Ugu horeyn waxa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha xidhiidhka kubbadaha Gacmaha Somaliland, Siciid “Yaaqshiid”, waxanu faah faahin ka bixiyay tartanka , waxana hadaladiisa ka mid ahaa
“ tartankan oo ay ka qayb galayaan 8 kooxood oo heerka koowaad ah waxa naga maalgelisay shirkadda Dahab-Shiil oo markasta garab taagan dhalinyarada, direyska ay ku ciyaaraan kooxaha ka qayb galaya iyo guud ahaan kharashka ku baxaya tartanka waxa bixisay shirkadda Dahab-Shiil oo aanu si weyn ugu mahad celinayno”.

Faarax Maxamad Aadam (Bootaan) oo shirkada Dahab-Shiil u qaabilsan xidhiidhka saxaafadda oo isaguna ka hadlay munaasibada furitaanka tartanka Dahab-Shiil, waxana hadaladiisii ka mid ahaa “ ma aha markii ugu horeysay ee ay shirkadda Dahab-Shiil maalgeliso tartan noocan oo kale ah, waxa aanu sidoo kale u qabanaa tartamo noocan oo kale ah kooxaha kubbada cagta, xidhiidh wanaagsan ayaana naga dhexeeya guud ahaan dhalinyarada Somaliland, waxa kale oo aanu imika maalgelinay tartan hidaha iyo dhaqanka ah, runtii Dahab-Shiil ma sameysato koox kubbadeed oo u gaar ah sababtoo ah dhalinyaradu waa wada macaamiishayadii sidaa darteed ma doonayno inaanu kala xigsano, teeda kale ciyaaruhu waxay u wanaagsan yihiin guud ahaan caafimaad qofka, waxayna ka qayb qaataan isdhex galka bulshada iyo horumarinta nabadda, sidaa darteed ayaa shirkadda Dahab-Shiil markasta ay u dhiiri gelisaa ciyaaraha”.
Ugu dambeyntii waxa halkaasi direyskii ay ku ciyaari lahaayeen lagu guddoonsiiyay dhamaan 8-dii kooxood ee ka qayb galayay tartanka, taas oo wasiirka Ciyaaraha, Maxamuud Siciid iyo Faarax Maxamad Aadam (Bootaan) ay si wada jir ah u guddoonsiiyeen kabtanada iyo tababarayaasha kooxaha direyskii loogu talo galay oo ay bixisay shirkadda Dahab-Shiil.
Haddaba ciyaartii koowaad ee tartanka oo shalay dhacday ayaa waxa wada ciyaaray kooxaha Lucy University iyo Gaashaan, taas oo ay guushu 45 dhibcood ku raacday kooxda Gaashaan, halka ay kooxda Lucy University keensatay 40 dhibcood oo keli ah.
Reporter: M. Dube
|