Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Saddex Xiddig ayaa isugu soo hartay abaal marinta cayaaryahanka ugu wanaagsan ee Afrika

image

 

 

 

 

Weeraryahanka wadanka Ivory Coast Didier Drogbo,xidiga qadka dhexe ee dalka Ghana Michel Essien iyo weeraryahanka wadanka Cameroon Samule Itoo ayaa isugu soo haray kama dambeysta xidigaha u sharaxan cayaaryahanka sanadka ee Afrika.Caf African Footballer of the Year award.
 
dhamaan saddexdaan xidig ayaa waxay door ka cayaareen in dalalkooda ay u soo baxaan koobka adduunka sanadkan.
 
Samuel Ito'o ayaa waxaa uu horey ugu guulaystay abaal marintaan ilaa saddex jeer intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2005.
 
Drogbo ayaa waxaa uu ku guulaystay abaal marintaan sanadkii 2006 laakin xidiga ay isku naadiga yihiin ee Essien ayaa ilaa afar jeer u tartamay laakin waligiis kuma guulaysanin.
sidoo kale waxaa jira abaal marino kale oo la bixinaayo sida xidiga ugu wanaagsan xidigaha ka cayaara gudaha qaaradda Afrika waxaana ilaa haatan ugu cad xidiga kabtanka u ah kooxda TP Mazembe ee lagu magacaabo Tresor Mputu Mabi.
 
Xidigaan Mputu ayaa waxaa uu door ka qaatay guushii kooxdiisa reer Congo ay ka gaartay koobka Naadiyada Afrika muddo 40 sanno laakin waxaa loolan uu kala kulmayaa xidigaha kala ah Uche Agba oo u dhashay wadanka Nigeria iyo Abdelmalek Ziaya oo u dhashay wadanka Algeria.
 
sidoo kale waxaa Tababaraha sanadka ee Afrika u sharaxan Tababaraha reer Faransa ee kooxda TP Mazembe Diego Garzitto iyo tababarihii Ghana u qaaday koobka adduunka ee juunyarada da'dooda ka hooseeyso 20-ka sanno oo lagu magacaabo Sellas Tetteh.sidoo kale Tababaraha xulka Nigeria ee 17-jirada John Obuh.
 
sidoo kale waxaa u dharaxan abal marinta dalka ugu wanaagsan Algeria,Ivory Coast iyo Ghana.
 
sidoo kale Naadiga sanadka waxaa u sharaxan TP Mazembe oo Congo DR ah,Heartland oo Nigeria ah iyo Stade Malien.
 
 
xidigii ku guulaystay gool dhalinta tartanka juunyarka ee 20 jirada ee ka dhacay Masar una dhashay dalka Ghan Dominic Adiyiah ayaa u sharaxan xidiga ugu wanaagsan Afrika kuwoodii da'da yar waxaana loolan uu kala kulmayaa Kermit Erasmus oo u dhashay Koofur Africa iyo xidiga reer Nigeria oo lagu magacaabo Sani Emmanuel
 
xafladda looga dhawaaqayo abaal marinadaan ayaa waxaa ay ka dhacaysaa magaalada Accra ee dalka Ghana bisha soo aadan ee Maarso 11-keeda.
 

Hiddink oo Turkiga qabanaya.

Tababaraha u dhashay wadanka Holland Guus Hiddink ayaa waxaa loo magacaabay Tababaraha cusub ee dalka Turkiga.
 
Rug cadaagaan 53 jirka ah Hiddink ayaa waxaa uu iska casilay xilka Tababare ee wadanka Raashiya Todobaadkii lasoo dhaafay waxaana uu dhamaanayay qandaraaska uu kula jiray Ruushka bisha Juun ee sanadkaan.
 
Tababarahaan ayaa waxaa uu ku guul daraystay in uu u soo saaro koobka adduunka dalka Ruushka waxaana haatan loo magacaabay macalinka wadanka Turkiga isagoo la gaaray hishiis ilaa labo sanno ah waxaana sidoo kale uu heystaa dooq uu hishiiska ugu sii dheereen karo labo sanno oo kale isagoo la wareegayo xilkaan 1-da bisha Agosto ee sanadkaan.
 
Tababarahaan ayaa horey u soo leyliyay Real Madrid,Chelsea.dalka Koofur Korea,Holland iyo Australia.
 
Guroomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka xiriirka wadanka Turkiga ayaa waxay kula kulmeen magaalada Amesterdam Talaadadii waxayna la gaareen hishiis dhan labo sanno iyo labo sanno oo kale oo usii kordhin karo.
 
Tababarahaan ayaa waxaa lala xiriirinayay in uu noqdo Macalinka dalka Nigeria kadib markii uu xilkaas iska casilay Tababarihii hore ee Nigeria Shaibu Amodu.
 
si kastaba wakiilka Hiddink oo lagu magacaabo Cees van Nieuwenhuizen ayaa gaashaanka ku dhuftay goor hore wararkaas iyo warar kale oo sheegayay in Liverpool ama Jiventus uu tababare u noqon doonno.
 
Hiddink ayaa sidoo kale waxaa xiiseenayay kooxda Man City oo bishii December magacaawday Ropert Mancini waxaana Tababarahaan uu u hogaamiyay dalka Ruushka Seme Finalka koobka qaramada qaaradda Yurub 2008.
 
Tababarahaan ayaa waxaa ka reebay koobka adduunka dalka uu tababaraha u ahaa ee Ruushka dalka Slovenia kadib cayaaro kala bax ah oo bishii November ay la cayaareen dalkaan.

By Axmed Mooge

 

 


 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions