Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Tartan AFRICAN NATION CUP 2010 oo lagu qabtey magaalada LONDON


London 17/01/2010:Waxaa lagu qabtey David Beckham Accademy oo ku taal Xaafada Greenwich  ee magaalada London tartan loogu magacdarey African Nation Cup 2010, koobkaas oo ay ka soo qayb galeen 12 wadan jaaliyadahooda degan magaalada London loona kale qaybiyay labo qaybood, kuwaasoo kale ahaa dalalka Somalia, Djabuuti, Kenya, Algeria, Tanzania, South Africa, Mauritius, Ghana, Ethopia, Eritrea, Morocco iyo Sierra Leone.

 

 

Tartanka Xiisa badan ayaa waxaa sanadkaan ka qayb galay labo kooxood oo kale matalaysay Jaaliyadaha dalalka Soomaaliya iyo Djabuuti ee walaalaha ah, kuwasoo ka dhigay tartankan wacdaro iyo ciyaar aad u sareysa farsamadeeda sida uu isheegay soo abaabulaha tartankaan kooxda Soomaaliya mudane Mohamed Buuwe oo  degan xaafada Wembley oo jecel inuu had iyo goor ay ka muuqdaan magaca Soomaaliyeed goobaha lagu qabto tartamadaan oo kale.

Ciyaarta qaybteedii koowaad ayaa u  suurtagashay labada kooxood ee Soomaaliya iyo Jabuuti inay u soo gudbaan Quarter Final ka kadibna ay isku soo aadaan ciyaartii Semifinalka halka kooxaha Ethopia iyo Eritirea ay isku soo aadeen, taasoo ciyaartii ka dhigtey in kooxihii ku ciyaarayay dalalka Bariga Afrika inay noqdaan kuwa u soo baxa, qaybahooda dambe, ciyaarahaan oo ahaa kuwa aad u adag ayaa intooda badan ku soo dhamaadeen rigoorayaal sida aan kaga bogan karto shaxda hoose ku qoran ee ay kooxaha ku soo kale badiyeen.

Ciyaartii Finalkana waxaa iskugu soo harey kooxaha kale ah Jabuuti iyo dalka Eritrea oo isku mari waayay 1 iyo 1 waqtigii ciyaarta loogu talagalay, ugu dambayntiina waxaa loo dhigay rigoorayaal, balse waxaa nasiib u yeeshay inay kooxda Eritrea guusha ku raacdo 5 Goal halka kooxdeena Jabuuti ee Soomaaliyeed ay dhaliyaan 4 Goal.

Quarter Finals

   Plate Semi Finals
 
Ethipoia 5 v 2  Algeria
   Ghana 4v 1 Tanzania
 
Djibouti 3 v1South Africa
  

 Kenya 0v0 Mauritius
 
Morocco 0 v  0 Eritrea
 (2-3 pens)
        
Sierra Leone 1 v1 Somalia
 (2-3 pens)
        
 Semi Finals
   Plate Finals

 
Ethipoia 0 v 2   Eritrea
   Ghana 0 v 0 Mauritius
 
Djibouti 1 v  1 Somalia
 (9-8 pens)
        
Cup Final
         
Eritrea 1 v 1 Djibouti
 (5-4 pens)
        
                
                
                
Cup Champions
   Plate Champions
 
ERITREA
   MAURITIUS

 


Waxaa xusid mudan in jaaliyada Soomaaliyeed ee degan Magaalada London ay sanadkaan muujiyeen firfircooni dheeri ah koobkan loo qabtey jaaliyadaha dalalka Africa ee degan magaalada qaybaheeda kale duwan, ‘’African Nation Cup 2010 London’’ waxaana farxad ah in markii ugu horeysay taariikhda taageerayaal aad u farabadan oo sidata calamada dalalka Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa garoonka hareerihiisa ka wada dhiirigalinta dhalinyarada ka qayb galaysay tartankan qiimaha badan

W/D:YUSUF YUSUF

Sports Editor of SSPAMEDIA

mrsomalia@hotmail.com

London

 

 

 


 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions