Talyaaniga oo Cashuur Raagtay u Xaraashaya Dahabka uu Dhegaha ku Xidho Maradona
Saraakiisha wasaaradda maaliyadda ee dalka Talyaaniga, ayaa diyaarinayo qorshe ay ku xaraashayaan dhegaha dahabka ah uu xidho tababaraha xulka kubadda cagta qaranka ee Argentina Mr. Diego Armanda Maradona. Warbaahinta waddanka Talyaaniga,
ayaa ku warramay in saraakiisha maaliyadda ee dawladda dalkaasi qorsheynayaan sidii ay u xaraashi lahaayeen dhegaha haymanka ka samaysan ee uu leeyahay xiddiggii hore ee kubadda cagta adduunka Diego Maradona haddana tababare u ah kooxda xulka qaranka qarankiisa Argentina, kadib markii lagu soo dallacay lacag cashuur ah oo uu bixin waayey waqtigii uu ka ciyaari jiray naadiga Napoli ee dalka Talyaaniga, waqtigaas oo uu ahaa laacibka caalamka ugu wanaagsan.
Saraakiil ka tirsan waaxda cashuuraha, ayaa laacibkan xoog kaga furtay dhegaha dahabka ah oo xidhay waqtigii uu ahaa xiddiga kubadda cagta adduunka badhtamihii sannadkii la soo dhaafay ee 2009, xilligaasoo uu degannaa hudheel ku yaal magaalada uu muddada dheer ka ciyaari jiray ee Napoli .
Dhegahaha dahabka ah ee Maradona oo lagu qiimeeyey adduun gaadhaya $5,770 doollar, lacagtaas oo saraakiisha dawladda Talyaanigu sheegeen inay u qaadanayaan dayn tiro badan oo laacibka lagu lahaa sannadihii siddeetamaadkii ee uu u safan jiray kooxda Napoli .
Dhinaca kale, go’aanka dawladda Talyaanigu ku gaadhay inay xaraashto dahabka Maradona, ayaa la sheegay inuu si weyn uga cadhaysiiyey guud ahaan dadweynaha reer Argentina ee uu ka dhashay iyo kumanaan ka mid ah taageerayaashiisa kala jooga daafaha caalamka, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub iyo xaqdarro lagu waxyeellaynayo sumcadda laacibka cuslaaday adduunka ku leeyahay.