Search for articles:
Home
Somaliland
Somaliya
Afrika
Caalamka
Gallery
Ra'yi / Articles
*GAMES*
Contact Us
TS Online
Hambalyo
Link



posted

Magaalada Amsterdam oo si rasmi ah looga furey tartankii Koobka HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2009-12-29

 

Xaflad sports oo si weyn loo qabanqaabiyey islamarkaasina ay ka soo qeyb galeen dad magac ku leh sports  ka Soomaaliya ayaa waxaa ay  ka dhacday Garoonka Sportshallen ee ku yaala Amsterdam Zuid ,iyadoo ujeedada Xafladani ay tahay isdhexgalka dhalinyadada Soomaaiyeed ee ku nool Wadanka Holand hadii ay ahaan lahaayen Kuwa halkani ku dhashay iyo ku yimid intaba,waxaana,tartankan ciyaaraha ah ee loo yaqaano Fustalka soo qabanqabisay H’ayada HIRDA ,oo waxyaabo badan ka qabata arimaha bulshada  Waxbarashada dalka Soomaaliya iyo is dhexgalka dhalinyarada Soomaaliyeed ee dalka Holand.

Agaasimaha Hay’ada Hirda Marwo Fadumo Farah oo ku hadlaysa gudiga qaban qaabada tartanka HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2009 ayaa ugu horeyntii ka warbixisay barnaamijka furitaanka iyo qaabka u socon doono labada maalmood ee uu tartankan, iyadoo ay barnaamijka xiriirinayeen  Cabdiweli Garyere, C/naasir Sola iyo Sucaad , halka uu camerada u duubayay Axmed .

Furitaanki Xafladan oo ay hadalo ka jeediyen dad magac ku leh sportska Soomaaliyeed ,oo ay ka mid ahaayeen Ibraahim Axmed Cali Oo lo yaaqaano (Kabtan Shaash) una dheli jiray Xulkii Qaranka Soomaaliya ee Barisamadkii , Dahir Areey oo ka mid ah odayaasha Sports dalka Holnad, C/qadir biriq, Mohamed Dilaaye, Abdi Ali oo ka wada tirsanaan jirey u cayaartoydii kooxdii  Batroolka , Cabdi Casiis Shariifka oo isna u ciyarijiray kooxdii Muqdiho, Abdulahi Ali oo ka mid ahaanjirey ciyaartooydii kubadda kolayga kooxda Jeenyo iyo Wagad, C/naasir Sola daadiyaha barnaamijka cayaaraha Universal TV,,waxan marti sharafka ka soo qeyb galay ,xafladani ka mid haa ,ciyaryahanka soomaliyed ee wadanka Holand u gu heysta Kubada miiska ,ciyayahan Magan Daaahir , waxaa sidookale xaflada ka so qeyb galay ,suxufiyiin ,siwey lo ga yaaano Somaaliya ,oo ay ka midyihiin ,Abdiwali garyare ,Bile gurxan axmed ,C/lahi Tajiroow .Abdulahi Jamac Cali iyo Cabdimaalik Radio Dalmar Foundation.

Xafladani intii  ay socotay ayaa,  awaxaa lagu soo hadalqaaday Dhibaatadi ka dhacay Dhawaan hotelka shamow ee Magaalada Muqdisho ,taasi oo ay shegeen dadkii ka hadalay xaflada in ay aheyd musiibo ku habsatay umada Soomaaliyed ,ayna tahay bay,yiraahden wax laga xumado ,waxaana Masuliyiinta ay sheegen in halkaasi ay Soomaliya ku weysay Dad qaali ah ,oo isgujiray Wasiiro lafdhabar u ahaa ,arimaha bulshada ,Dhaqaatiir Soomaliyeed ,iyo ardaydii loodiyariyey dhaqaatiirta mustaqbalka,waalidiin ,iyo waliba suxufiyiin tabinayey xafladaasi ,waxaana loogu duceeyey in u Ilaah bogsiyo Dadka dhaawaca ka so garay xafladasi.

Kadib markii ay soo gabagaboobeen xaflada furitaanka Tartanka waxaa lagu qabtey Hallka shirarka Garoonka barnaamij dood wadaag ah oo ay dhalinyarada kaga dhiibanayeen sidii dalkaan wax uga qabsan lahaayeen iyo sidii dalka Soomaaliya wax ugu qaban lahaayeen mustaqbalka.

Yuusuf Yuusuf oo ah Mid ka mid ah qabanqaabiyasha ciyarahan Fustlka ee Soomalida ee dhalinyarada Soomaaliyeed ay Ku cayarayaan garoonka Sports hallen ee Magalada Amsterdam ,ayaa sheegay in ay ciyaarahaan Lacayaaro ,sadkasta Xiligaan oo kale si la isugu keeno dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwa Ku dhasahay ,Qaaradan Yurub iyo Ku wa ku dhashay Soomaaliya ,loogana fa,ideyo waqtigoda si aya usubrataan ,waxana Yuusuf yuusuf intaasi uu ku daray in lo baahanyhay in la hormariyo sportska Soomaaliyeed Lana Dhiiragaliyo Dhalinyarada ,Da’dayar.

Ciyarahan fustalka ee lacayaaro sanad kasata Xiligan oo kale ,ayaa waxaa la bilaabay sanadi 2005  islamarkaana waxana qabanqaabada iyo isukeenida bahda Sporska Soomaaliyeed  dusha u ridatay hayada, HIRDA ee ka shaqeysa Arimaha waxbrashada iyo bulshada, si isfahanka dhalinyarada Soomaaliyeed eek u dhaqan dalkaan kor loogu qaado islamarkaana waxyaabaha dib u dhigaayo loogu sheegi lahaa  Sida ay ii sheegtey Agaasimaha Hirda Marwo Fudamo Farah

Sanadkaan waxa ka qeybgalaya ,kooxo badan oo ka yimid Gobolada Dalkani uu ka kooban yahay ,iyo Labo kooxood oo ka yimid wadamada Norwey iyo Belgie,Waxana Kooxaha ka qeybgalaya tartankan kamid ah ,HIRDA ,Norwey Stars,DELFT,EIndhovenTilbrug ,Nijmegen ,Amersfort ,Veenendaal,Vlaardingen,Belgie team oo loo yaqaano SOBSI ,SOMVAO,Reeuwijk,Maastricht,Venray, Dordrecht,Rotterdam waxana ciyaarahaasi la soo gabangabeyn doonaa,maalinta bari ah oo kooxidii guul eysatana la siin doonaa abaal marin ay ku farxaan.

Waxaan la filayaa in maanta ay ka dhacaan garoonka 24 cayaarood oo ay dhaxmari doonto 16 kooxood ee ka qayb qaadanaya tartanka Koobka HIRDA Amsterdam Futsal Tournament 2009 , iyadoo kooxaha loo kale qaybiyay 4 qaybood oo min 4 naadi ah kadibna waxaa wareega koowaad ka soo bixi doono 8 kooxood halka 8 kooxoodna ay ku hari doonaan .

Berito waxaa la filayaa inay hadane kulmaan 8 kooxood ee soo baxa iyadoo gabagabada  tartankaan  lagu soo xiri doono xaflad weyn oo ka dhici doonto  isla garoonka Sportshallen Amsterdam Zuid.

Hadii Eebe idmo qoraalka soo socda ayaan uga warami doonaa qaabka kooxaha u kale badiyeen iyo xiritaanka tartanka

W/D: C/laahi Taajirow

Sports Hallen Amsterdam Zuid

 

 

posted by Mubaarik Yuusuf

Printable version     Email this to a friend

Ogeysiin
Radios
BBC Somali
Radio Somaliland
Radio Horyaal
Radio Galkayo
enterprise
HornAfrik
Television
TVSL
TV International
-enterprise
NewsPapers
Jamhuuriya
Haatuf

SL Political Parties

Kulmiye
Udub Party
Ucid Party
Islam
Aflax Net
Hilinka Toosan
Suxayfa.com
Islam World
Islam City
Websites
Iftin
Somalilandnet
allaybaday.com
HalganNews
Hadhwanaagnews
Qarannews Online
Somalilandnews
Hiiraan.com
Sooyaal.com
Togdheer News
Somalilandfuture
Hargeysa.org
Maandeeq.com
Somalilandmirror
Aftahan.com
Wakiil Business Site
Somalisc.com
eurosomonline.com
Saaxil
 All rights reserved © 2002 - 2004 Togdheer Sports Online - Site Design by Sagal Media Productions