Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha oo manta koob Gudoonsiyeey Kooxda Kubada Cagta ee Dugsiga 17may
Wasiirka Wasaarada Ciyaaraha Md. Maxmed Siciid Maxamuud ayaa Maanta gudoonsiiyeey koox ka mid ah kooxaha Ciyaara kubada Cagta ee dugsiga 17may koobkaas oo logu magacdaray Maxjarka Xoola Dhoofinta ee Somaliland , waxa kale oo la gudoonsiyeey kooxdaasi Allaab isugu jirta Lacag iyo Qalabka Isboortiga ah Tartankaasi oo uu dhexe maray 7kooxod oo ka tirsan Kooxaha kubada cagta ee dugsiga 17may .
Xafladan oo Lagu qabtay Xarunta Dugsiga 17may Xafladaasi oo ay ka soo qaybgaleen Wasiirka Dhalinyarda iyo Ciyaarah Maxmed Siciid Maxmuud , Wasiirka Xanaanada Xoolaha Idiirs Ibraahin Cabdi , Xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan iyo Cali Ibraahin [Aareeye]
Ugu horeeyan waxa Xafladaasi ka hadlay xildhibaan Xassan Cawaale Caynaan Waxaanu sheegay in Dunidu ay ku Horu Martay Kubada Cagta taas oo ay Heersare ay ku Gaadheen Dhalinyaro idiinka idinla mid ah, waxa Kale oo uu aad u amaanay Maxjarka Magaalada Berbera oo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Somaliland waxaanu sheegay in uu ku faraxsan yahay Koobka loogu Magic daray maxjarka xoola dhoofinta ee dalka.
Waxa Kale oo Xafladaasi ka hadlay xildhibaan Cali Ibraahiin {Aareeye] oo sheegay in waxaanu tilmaamay in ay Ciyaaruhu sharaf u soo jiidaan dalka iyo dadkaba isala Markaasina xaga Caafimaadka door weyn ka qaataan.
Waxa Kale oo isaguna Halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Dhilinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Md. Maxmed Siciid maxmuud Waxaanu Dhalinyarada uga Waramay Magaca ay Ku Kasban Karaan Ciyaaraha, isaga oo Tilmaamay in Madaxweeynayasha in ay ka Caansan yihiin Inamo ciyaartooy ah oo Afrikaan ahi, Waxaanu intaas raciyeey in sharaf iyo magac intuba ay ku jiraan kubada cagta, waxa waajib inagu ah inaynu ka qayb qaadano oo aynaan Aduunyada ka hadhin isaga oo wasiirku arimahaasi faahfaahinayana Waxa uu yidhi “Ciyaarah aduunku waxa ay manta marayaan in qofkii lacag doonaya meesha uu ka heli karaa ay tahay Kubada Cagta taas oo todobaadkii laga helaa 70milyan Dollar meel kale oo Caalamka Laga qaata ma jirto. Waa ciyaaraha oo kaliya ah hadaad Magiciyo sharaf doonayso waa in aad bartaa kubada Cagta. Madaxweeynaytaasha Dunida ugu qaalisan waxa ka sharaf badan amase laga Yaqaana wiil afrikaan ah oo lacib ah, Arinta Maxjarkaasi waxa weeyi ariin taariikh Dahabi ah oo u soo hoyatay Somaliland sidaynu inagu la socono wadankeena isha koowada ee dhaqaalaheena waa Xoolaha nool, xoolaha noolan waxa la mariyaa Maxjarkeena Berbera halkaasi ayaan lagu baadha cafimaadka xoolaheena , kadiban waxa uu tagaa Suqyada Calamka markaasi faiidadaas ayuu leeyahay Maxjarku, Madaxweeynaha Somaliland Dahir Riyaale Kaahin iyo Wasiirka Xanaanda xooluhuna waxaay ku guulaysteen in ay helaan Nin carab ah oo hawshaas iyada ah kala shaqeeya oo aan odhan karo nabi khaddar ayeey dadku doondoonan waxaan odhan karaa ninkaasi waxa uu inooga dhignaa nabi khaddar. waxaan kale oo aan idiin sheegay in haddii uu madaxweeynaheenu uu nin jilicsan ahaan lahaa ama Wasiirka Xanaanada xooluhu aanu ahayn nin Khibrad u leh aqoontaasi Hawshaasi may qabsoonteen madexwaynaha iyo Wasiirka Xanaanadu mudan yihiin bilad dahab ah, Waxaan la yaabay in wasiirkii xanaanda Xoolaha ee mudnaa in la siyo Bilad dahab ah ayaa waxa jira in malin walba jaraaiidka lagu maago. anigu waxaan akhriyeey jaraaiidka markaa waxan ka waayay halqodob oo la taaban karo waa dad caytamay oo kaliya ah waxaan leeyahay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dawlad ayeeynu nahay dadka waxaas oo kale ku Shaqeeynaya Kursiga hayska Fadhiyine Xeer- ilaaliye Hawshaada qabso oo Maxkamada waa in la Horgeeyaa Dadka Waxaas ka shaqeeynaya waa in Maxkamada la Horgeeyaa ayuu yidhi wasiirku
Waxa kale oo Xafladaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Md.Idiris Ibraahin Cabdi Waxaanu ka Waramay Marxaladihii kala duwan ee uu soo maray Maxjarka Somaliland ee Dhoofka Xoolaha iyo Dadaalkii loo galay sidii Maxjar Casri ah aynu u yeelan lahay waxaanu Sheegay in Somaliland Akhirkii ay ku guulaystay in aynu maalgalin ka helno Rasulkhayma iyo Shirkad sucuudi ah ee Al_jaabiri
Md. Idiris waxa uu intaasi raciyeey in manta Xoolaheeni mudada Labaatanka ku Dhawaadka Xidhnayd manta la furay oo ay Saylada Sucuudiga ee ugu weyn u furan yihiin , Waxaana taasi sababtay ayuu idhi Maxjarka Casriga ee aynu yeelnay. waxa Kale oo uu ka hadlay hadalo dhawaan Saxaafadu ka qortay isaga oo arintaasina ka hadalyana waxa uu yidhi “saxaafada Somaliland aad ayaan ugu mahadnaqayaa qaybta weeyan ee ay ka qateen Hirgalintii Maxjarka berbera way iska jiraan qayb ka mid ah saxaafada ay iska jidanayso Siyaasad oo Xaga Axsaabtu oo qar u yar licayaan Markaasi iyaga oo Tixgalinaya doonida Xisbigaasi ay taageerayaan laga yaaba in ayan u muuqan Musdaqbalka oo ay u muuqato taageerida xisbigiisu Ayuu yidhi wasiirku
SOURCE WAAHEEN